Heshiiskii Xuutiyiiyinta kadib Madaxweyne Trump ayaa u jiheystay dhanka Gaza si heshiis looga gaaro dagaalka aan dhamaadka laheyn ee halkaas ka socdo
Trump ayay u badan tahay in dhamaadkan isbuucaan uu ku dhawaaqi doono xal dhameystiran oo la xiriira kiiska Gaza.
Xalkaan waxaa qeyb ka ah qorshe lagu joojinayo dagaalka Gaza laguna galaayo heshiis dhameystiran.
Xalka Trump doonayo waa mid daraaseyntiisa socoto, Israaiilna talo buuxda aysan ku lahayn.
Mid kamid ah doorashooyinka xalkaan ayaa dhigayo in Xamaas qeyb ka noqon doonto maamulka magaalada Gaza ee mustaqbalka.
Xalka waxaa qeyb ka ah in madaxda iyo hogaanka Xamaas ay helaan xasaanad iyo damaanad ah ineysan Israel shirqool u geysan doonin, si xamaas loogu qanciyo heshiiskan.
Hadii ay dhacdo in heshiis nuucaan la gaaro Israel fulintiisa waxaa looga dhigi doonaa sidii amarka oo kale.
Netanyahu ayaana markaas heli doono labo doorasho mid, tan koowaad inuu aqbalo qorshahaan, halkan tan labaadna ay tahay inuu ku khamaaro mustaqbalkiisa siyaasadeed.
Trump inkastoo qorshihiisa sidaan yahay hadana waxaa ku yar taageerada uu ka helayo dhanka Kongresska Mareykanka, si ay ugu taageeraan heshiis aysan Israel lagu amraayo fulintiisa ayadoon loo fiirineynin aqbalaadeeda.
Caalamka oo dhan waxaa layaab ku noqotay xiisada siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu, sida ay warbaahinta Israel qortay xiisadaan waa tii ugu sareysay ee labo madax oo Israel iyo Mareykan kala hogaamineysa soo kala dhexgasha, Yuhuuda ayaana ka xun heshiiska la sheegay in Trump uu la gaaray Xuutiyiinta. Sidoo kale  waxay sheegeen in heshiiskaan aysan waxba kala socon in lakala saxiixdayna ay ka maqleen warbaahinta.
Dhanka maamulka Trump waxay ku eedeeyeen Netanyahu inuu yahay qof lugooyo wado oo aan horay u socod laheyn, sidoo kalana iska indho tiray oofinta balamadii hore ee uu qaaday.
Maamulka Trump oo arimahaas ka duulayo ayaana haatan wado qorshe cusub oo lagu joojinaayo dagaalka Gaza, qorshahaan cusub ayayna ka fogeeyeen Israel iney gacan ku yeelato, ayagoona isla waqtigaas doonayo in fulintiisa Israel lagu qasbo. Trump ayaana si uu ugu hirgalo qorshahaan u baahan doono taageerada Kongreska Mareykanka.