Allbanaadir.com
NEWS

Macalinkii lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasay xilli aan lasoo qaban ninkii dilay

Waxaa maanta qabuuro kuyaalla magaalada Muqdisho lagu aasay macalin Cabdiraxmaan Maclow Abiikar, oo isbuucyo kahor lagu dhax dilay iskuul uu wax ka dhigayay oo kuyaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Meydka macalinka oo loo raadinayay caddaalad ayaa isbuuc ka badan ku jiray filinjeer, waxa ayna eheladiisa horrey u sheegeen in meydka macalinka aan la aasi doonin ilaa laga soo qabto ninkii dilkiisa ka dambeeyay.

Macalin Cabdiraxmana Macalow ayaana qoyskiisa maanta go’aansadeen in ay aasaan xilli uusan wali caddaalad helin uuna baxdad ku jiro ninkii dilay, waxa ayna eheladiisa sheegeen in laamaha amniga ku fashilmeen soo qabashada dambiilaha iyo in ay helaan caddaalad.

Ehelada macalinka la dilay oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu aasayay ayaa mar kale dalbaday in caddaalad helaan, waxa ayna laamaha ammaanka iyo garsoorka ka codsadeen in lasoo qabto gacankudhiiglaha oo baxsad ku jira.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo kamid ah ehelada Macalinka la dilay ayaa sheegay in ay go’aansadeen in marxuumka la aaso, waxa uuna caddeeyay in ay ka shaqeenayaan sidii loo soo qaban lahaa gacankudhiiglaha loona horgeyn lahaa caddaalada.

Macalin Cabdiraxmaan Maclow ayaa lagu dhax dilay iskuul uu macalin ka ahaa oo lagu magacaabo Siidii, waxaana toorey ku dilay arday horey uga baxay iskuulkaasi oo cabasho ka dhan ah macalinka u geysay gabar ardayad ah oo macalinka wax barayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Axmed oo Shaaciyay in Ajaaniib badan qeyb ka yihiin duulaanka cusub ee TPLF

Cabdi Cade

Kim John Un oo gaaray Singapore iyo Trump oo isna kusii jeeda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ergadii u dambeesay oo gaartay Dhuusomareeb kadib Shuruud ay la yimaadeen oo la fuliyay

Cabdi Cade