Madaxweyne Waare oo kala fur furay Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay iyo Xeylada uu …

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle, kadib markii Xildhibaano magaaladaasi ku sugan Mooshin ka gudbiyeen.

Waare ayaa xalay kulamo kala duwan magaalada Jowhar kula qaatay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Hirshabelle, waxa uuna ka hadlay sidii ay uga laaban lahaayeen mooshinka ay ka gudbiyeen.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweyne Waare oo dhaqaalo badan la tagay magaalada Jowhar ayaa durba bilaabay in uu Xildhibaanada qaar siiyo lacag halka kuwa kalana u sameeyay balan qaadyo.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii mooshinka gudbiyay ayaa lagu qanciyay in ay ka laabtaan mooshinkii ay ka gudbiyeen Waare, waxaana Xildhibaanadan ku qanceen lacagta iyo balan qaadyada kale ay ka heleen Madaxweyne Waare.

Xildhibaanada qaarkood oo diiday in ay ka laabtaan mooshinka ayaa sheegay in loo hanjabay si ay mooshinka uga laabtaan, waxa ayna Xildhibaanadaasi wali ku adkeesanayaan in mooshinka aysan ka laaban doonin.

Madaxweynaha Hirshabelle Waare ayaa hada taageero xoogan ku helaya Dowlada Fedeeaalka Soomaaliya uu dhawaan heshiis la galay kadib markii uu kasoo goostay Isbaheysiga maamul goboleedyada oo xiriirka u jaray Dowlada Federaalka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -