Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Qalbi-dhagax oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Kismaayo (daawo Sawirro)

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa gaaray saaka Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah maamulka Jubbaland.

Qalbi-dhagax ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey madax ka tirsan maamulka Jubbaland iyo dadweyne fara badan.

Hadal kooban uu Qalbi-dhagax uu warbaahinta siiyay ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu Kismaayo ku joogo, isagoo uga mahadceliyay shacabka reer Kismaayo sida ay u soo dhaweeyeen.

Madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada magaalada Kismaayo ayuu kulamo la qaadan doonaa Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Waxaa uu horey booqasho ugu soo kala bixiyey magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan maamulada Somaliland, Puntland iyo Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guutada Qassam oo Taangiyo & gaadiid kale ka gubtay milateriga Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Minneapolis (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka shiray labo qodob oo muhiim ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---