Allbanaadir.com
NEWS

Xog uu bixiyay Madaxweyne Trump oo caro ka abuuray Israa’iil

Hadal ka soo yeeray madaxweyne Trump oo la xiriira tirada dadka Israa’iil ee Qasa lagu haysto ayaa dhaliyay caro badan oo qoysaskooda ah. Wuxuu sheegay in 21 ka mid ah 59-ka qof ay nool yihiin, halka qoysaska oo soo xiganaya ilo rasmi ah ay ku adkeysanayaan in tiradu ay tahay 24.

Qoysaskan ayaa ka dalbaday dowladda Israa’iil in si rasmi ah loo caddeeyo, iyagoo ku eedeeyay inay qarisay xogta, waxayna soo cusboonaysiiyeen baaqooda ku aaddan xabbad-joojin ilaa laga soo deynayo dhammaan la haystayaasha.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii isna shaki galiyay saddex qof oo ka mid ah dadka lagu haysto Marinka Qasa, ka dib markii ay soo baxeen warar is khilaafaya oo iyaga ku saabsan.

Waxaan hubnaa in 21 la haystayaal ay nool yihiin, ma jiro wax khilaaf ah oo arrintaas ku saabsan,” Netanyahu ayaa ku yiri muuqaal uu soo dbartiisa Telegram.

“Marka waxa hubaal ah in 21 ay nool yihiin, laakiin cidna ka tagi mayno, saddexda soo hartay ama dhammaan kuwa kale,” ayuu raaciyay.

Horay, kanaalka 12-aad ee Israa’iil ayaa ugu warramay in isku-duwaha arrimaha maxaabiista iyo dadka maqan, Gal Hirsch, uu sheegay in 59 qof wali la haysto, kuwaas oo ay ka mid yihiin 24 nool iyo 35 la dilay oo la xaqiijiyay aqoonsigooda. Hirsch wuxuu xusay in 54 ka mid ah ay yihiin Israa’iiliyiin halka 5 kale ay wataan dhalashooyin dalal kale.

Marka loo eego tira-koobkii ugu dambeeyay ee ay daabaceen militariga Israa’iil, 251 qof oo ay Xamaas ku qabteen weerarkii aan hore loo arag ee Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023, 58 ayaa weli lagu haystaa marinka Qasa, oo ay ku jiraan 34 qof oo dhintay.

Sida ay muujinayaan tirakoobyadii ugu dambeeyay ee uu faafiyay milatariga Israa’iil, tirada dadka ay Xamaas qafaasheen intii lagu jiray weerarkii aan horey loo arag ee ay ku qaadeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, 2023, waxay ahayd 251 qof, kuwaas oo 58 ka mid ah wali lagu haysto Marinka Qasa, iyadoo la dilay 34 qof oo dadkaas ka mid ahaa.

Intaa waxaa dheer, waxaa jira askari Israa’iili ah oo lagu dilay dagaalkii 2014 ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamaas, kaasoo meydkiisa wali ay hayaan Xamaas.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Soomaali ah oo Shaqadiisa ku waayay cod laga duubay oo lagu baahiyay Baraha bulshada!

Cabdi Cade

Somalia: Tirada dadka u dhintay & kuwa ka bogsaday COVID-19 oo sii kordhay

Caydiid Ali

Dowlada Itoobiya oo Go’aan adag ka qaadatay Sigaarka iyo Khamriga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---