Al Shabaab oo u Hanjabtay goobo ay sheegeen in lagu tunto oo kuyaala Xeebta Liido

Xarakada Al Shabaab ayaa ka hadashay goobo la sheegay in xiliyada habeenkii ah lagu caweeyo oo kuyaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxa ayna Shabaab sheegeen in goobahaasi yihiin goobo lagu tunto.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh (Cali Dheere) ayaa sheegay in ka warhayaan xarumo lagu tunto kana socdaan fiqsi oo kuyaala xeebta Liido ,waxa uuna ku hanjabay in talaabo ka qaadayaan xarumahaasi.

Waxa uu sheegay Sheekh Cali Dheere in aysan u dulqaadan doonin fasahaad uu sheegay in uu kusoo kordhay magaalada Muqdisho gaar ahaan xeebta Liido, waxa uuna sheegay hadii aan laga hortagin in umada saameyn ku yeelanayo.

Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere ayaa ugu baaqay culimada Soomaaliyeed iyo waxgaradka in ay ka dhiidhiyaan xarumaha uu sheegay in ay ka socdaan fiqsi ee kuyaala magaalada Muqdisho.

Hadalka kasoo baxay Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Gudoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir shaacisay in Muqdisho laga furay xarumo ay joogaan haween jirkooda ka ganacsada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -