Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaaraha Pakistan oo hanjabay una mahadceliyay Turkiga

Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan  Shabaz Shariif, ayaa si adag u cambaareeyay weerarka dhiigga badan ku daatay ee Hindiya kusoo qaaday dalkiisa, waxa uuna ku hanjabay in ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ugu aargudi doonaan dadkooda la dilay.

Shabaz Shariif, ayaa sheegay in Hindiya ku deg degtay go’aankii ay kusoo weerareen, waxa uuna xusay in ay ka shalay doonaan dhiigga dadka reer Pakistan ay gardarada ku daadiyeen, isaga oo caddeeyay in uusan cidlo dhici doonin dadkooda la dilay.

Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan, ayaa sheegay in ciidankooda cirka ku guuleesteen in ay soo ridaan diyaarado dagaal oo Hindiya leedahay, waxa uuna intaa ku daray in heegan ugu jiraan ciidankooda in ay difaacaan sharafta dalka Pakistan.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan “midnimada iyo garab istaagga uu u muujiyay” waxa uu ku tilmaamay “waqti xasaasi ah in ay garab istaageen Pakistan.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada uu ku leeyahay ayuu Shariif ku sheegay in uu aad uga mahadcelinayo ducada walaalaheen Turkiga ee shuhadada reer Pakistan, kaddib markii ay Hindiya gantaal ku garaacday goobo kuyaalla Pakistan una dishay shacab.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in uu uga warbixiyay madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan  dadaal geesinimo leh oo ay sameeyeen ciidankooda qalabka sida oo cadawga iska caabiyay , kana hortagay dhagartooda.

“Waxaan ilaalin doonaa madax banaanidayada iyo sharafta dhulkeena qiimo walba,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in Pakistan ay sidoo kale uga mahadcelinayso dadaalka Turkiga ee lagu sugayo hoos u dhigista iyo nabadda Koonfurta Aasiya.

Dalalka Pakistan iyo Hindiya oo ku hubeysan hubka nukliyeerka, ayaa waxaa u dhaxeysa xiisad meel xun gaartay, waxaana jirta cabsi laga qabo in labada dal uu toos uva dhax qarxo dagaal dhiig badan ku daato loona adeegsado hubka culus.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bankiga Amal oo xafiis cusub ka furtay xaafada Sanca ee Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Loolankii Kenya & Jabuuti ee Golaha amaanka QM oo lagu kala baxay

Caydiid Ali

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo ka Jawaabay qoraalkii Beesha Caalamka (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---