Danjire Rahul Chabbra oo gaaray Garowe & Madaxweyne Deni oo qaabilay (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya Ambassador Rahul Chabbra.

Kulanka oo ahaa mid muhiimad, gaar ah leh ayaa looga hadlay, xoogana lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada. Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn ka warbixiyey kulankaasi.

“Waxaan maanta magaalada Garoowe noogu yimid Safiirka dalka Hindiya iyo wafti uu hogaaminayo, waxaan aad ugu mahadcelinaynaa booqashadaan oo ahayd tii ugu horaysay oo uu noogu yimaado safiir ka socda dalka Hindiya, waxaan kaloo aad ugu mahadcelinaynaa dalka Hindiya oo xiriir wanaagsan la leh dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee dhinacyada ganacsi, waxbarasho iyo caafimaad intab”

“Puntland dad badan oo Hindiya ayaa ku nool, dhankeenana dad badan baa naga jira, kuwo waxbarasho, Caafimaad iyo Ganacsi u aaday intaba , waxaan aad uga wada-hadalnay in la wanaajiyo xiriirka Hindiya iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland dhanka Caafimaadka iyo Waxbarashada, iyo sidii Puntland ay uga helilahayd qoondo ku filan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya Mr. Ambassador Rahul Chabbra ayaa dhankiisa ka mahadnaqay qaabilaadda wanaagsan ee lagu soo dhoweeyey isaga iyo weftigiisa, wuxuu xusay inay diyaar u yihiin dardargelinta wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa Puntland iyo Hindiya ee arrimaha caafimaadka iyo waxbarasha.

Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya Ambassador Rahul Chabbra waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyeynta Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, Wasiirka Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Marwo Aamino Cismaan Xaaji Jaamac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -