Dowladda Mareykanka ayaa toddobaadkan muhaajiriintii u horreyay oo sharci darro ku jooga Mareykanka u tarxiilaya dalka Liibiya, sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.
CBS News, ayaa sidoo kale saraakiil ka tirsan Mareykanka ka soo xigatay inay Liibiya ku jirto toddobo waddan oo maamulka Trump ay u gudbiyeen codsi la xiriir inay dib u dejin u sameeyaan muhaajiriinta sharci darrada ku joogta Mareykanka.
Dalalka kale ee la filayo Mareykanka inuu dadka u tarxiilo waxaa ku jira ; Rwanda oo xaqiijisay inay wada-hadallo bilow ah kula jirto Mareykanka ,halka Benin, Angola, Equatorial Guinea, Eswatini, iyo Moldova ay iyaguna qeyb ka yihiin dalalka uu Mareykanka u tarxiilayo dadka sharci darrada ku jooga.
Ujeeddada qorshahan ayaa lagu sheegay inay maamulka Trump ka doonayaan inay si dhaqso ah u awoodaan muhaajiriin badan inay ka saaraan Mareykanka , iyagoo aan sugin in waddamada ay ka soo jeedaan ay oggolaasho ka helaan.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com