(Sawirro) Madaxweyne Mustafe oo kumanaan shacabka DDS kula tukaday Jigjiga

Kumannaan qof ayaa Labada ragcadood ee salaadda ciidul-fidriga ku oogay garoonka kubadda cagta ee magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida

Madaxweynaha Degaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa bulshada kala qayb’galay munaasibadda ciidda isagoo kula dardaarmay in ay sii wadaan taageeradii iyo dhaqankii wanaagsanaa ee loogu naxariisanayay bishii Ramadaan masaakiinta iyo danyarta.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa bulshada Soomaaliyeed, kuwa dalka iyo guud ahaan muslimiinta caalamka ugu hambalyeeyay munaasabadda farxadda ciidul-fidriga ee sannadka hijriyada 1444.

Waxaa sidoo kale tukashada salaada ciida ee magaalada Jigjiga ka qeyb masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida, Culumaaudiin iyo qeybaha bulshada.

default

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -