Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo maanta kamid noqonaya Xildhibaanada Golaga Shacabka

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntland ka dhacdo doorashada kursi uu dhawaan iska casilay Dhahar Cali Faarax oo hada laga dhigay Qunsulka dowlda Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti.

Kursigan Xildhibaano waxaa u tartamaya Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumada Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo musharax kale oo loo keenay qaab malxiis ah.

Wasiir Jamaal ayaana la saadaalinayaa in uu si buuxdo ugu guuleesan doono kursigan, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Wasiirka uu kursiga ka iibsaday Xildhibaankii iska casilay sidoo kale uu ku abaal mariyay in laga dhigo Qunsulka Soomaaliya ee Jabuuti.

Doorashada kursigan Xildhibaanimo ee maanta ka dhaceysa magaalada Jowhar ayaan aheyn mid xiiso badan maadaama lawada ogyahay shaqsiga kusoo baxaya , waxaana aad u yar hadal heynta doorashada kursigan.

Wasiirka Qorsheynta ayaa kamid ah Xubnaha aadka ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre , waxaana Wasiir Jamaal kamid noqonaya Wasiirada kamidka ah Golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo la Kulmay Safiirrada Iyo Wakiillada Caalamka u jooga Somalia (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamada Israel oo qirtay iney weerareen xarun Q/Midoobay ku leedahay Gaza

Caydiid Ali

Musharax C/raxmaan C/shakuur oo ku dhawaaqay arrin ku cusub doorashada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---