Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo ka hadashay Raadaarka Imaaraadka ku rakibeen Boosaaso

Muddooyinkii dambe waxaa soo baxayay warar sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabta ku rakibtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Puntland Raadaar ay sameysay Isra’iil, sidoo kale Imaaraadka Boosaaso ka sameesteen saldhigyo laga weeraro Xuutiyiinta.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Puntland Maxamuud Ciid Darr, ayaa qoraal uu soo saaray si adag ugu beeniyay wararka sheegaya in dowladda Imaaraadka Carabta ay saldhigyo ciidan ama xarumo gantaallo ka sameysatay magaalada Boosaaso ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in eedeymahan ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay qeyb ka yihiin olole uu sheegay in ay warbaahineed oo ay hormuud ka tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay wehliyaan warbaahin shisheeye ka dambeeyaan.

Waxa uu xusay Wasiirka wararkan laga faafiyay in ay yihiin kuwa lagu doonayo in lagu sumcad-dilo Puntland, isagoo intaa ku daray in dhinacyada wararkan faafiyay ay doonayaan in ay wiiqaan dadaalka ay Puntland ugu jirto la dagaalanka argagixisada.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo ciidamo ka joogaan magaalada Boosaaso, ayaa la sheegay in ay si joogto ah u adeegsadaan garoobka diyaaradaha magaaladasai, waxa ayna Imaaradaka halkaasi si joogta ah uga dejiyaan hub, ciidamo iyo qalab ay siyaabo kala duwan u isticmaalaan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ruto oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Kenya (Sawirro)

Cabdi Cade

Masuuliyiin katirsan dowladda oo Su’aallo laga weediiyay xisaab xirka Miisaaniyadda ee…

Cabdi Cade

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Shir Wadatashi ah ka furay magaalada Jowhar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---