Saameyn ma isku leeyihiin hab-nololeedka bulshada iyo horumarka la tiigsanayo ?

Buugaag badan oo laga qoray iyo cilmi baarisyo laga sameeyay qaab nololeedka bulshooyinka kala duwan ee dunida, ayaa badankood muujinaya in dhaqamada, iyo fikirrada kala duwan oo inta wanaagsan laga qaato ay horseedayaan in la gaaro horumar la taaban karo. Tusaalaha ugu wanaagsan ee qof waliba oo naga mid ahi fahmi karo waa in dalka Mareykanka ee ah dalka ugu horumarsan dunida ay ku aruursanyihiin dhammaan dhaqamadii dunida oo hijrooday.

Heesaga iyo qoraaga caanka ah ee Beyoncé Giselle Knowles ayaa wareysi ay sanadkii 2018 siisay Magazine-ka Vogue ee kasoo baxda dalka Mareykanka waxa ay ku sheegtay in horumar ballaaran oo la gaaro uu ku xiranyahay sida looga faa’iideysto maskaxda, aqoonta, caqliga, xoogga iyo fikradaha dadyowga kala duwan.

Beyoncé waxa ay tiri, “Hadii mas’uuliyiinta xilalka waaweyn haya ay sii wadaan shaqaaleysiinta dadka iyaga u eg, u dhawaaqa eg, isku meel ay kusoo koreen, waligood ma heli donaan faham weyn oo khibradeed oo ka ballaaran fahamkii ay iyagu heysteen. Waxay shaqaaleysiin doonaan moodallo iyo jilayaal aan wax is doorin, dhammaanna waan guul darreysan doonnaa”.

Qaab nololeedka bulshada Soomaaliyeed

Maamaada dadka Soomaaliyeed ay u badanyihiin xoolo dhaqato iyo beeraley, bulsho ahaan waxaan u noolnahay reero reero iyo qabiillo gaar ah, aad ayeyna u yartahay in hal meel laga helo dhaqamo iyo hab-nololeed bulsho oo kala duwan, waxaana taas ka dhalanaya in qeyb waliba oo dalka kamid ah uu ka jiro dhaqan hoose oo aan la fal-geli karin dhaqamada kale, bulsho kastana ayb isu heysto iney heysato dhaqanka ugu wanaagsan.

Dhaqankaas waxaan soo gelinnay magaalooyinka iyo meel kasta oo ay Soomaali dunida ka joogto. Marka aad u fiirsato sida xaafadaha loogu noolyahay waxaad dareemeysaa in la kala deganyahay, baararka iyo goobaha shaqada sidaas oo kale, taasina waxay yareyneysaa is-dhaxgalkii bulshada iyo helitaanka fikirro, aqoon, iyo khibrado ka duwan kuwii aad horay u wadatay.

Waxaa intaas dheer, marka ay timaado dowladnimada shaqadeeda, dadka qaar waxa ay aaminsanyihiin in hab-dhaqaankaas miyiga kasoo billaawday uu saameyn ku leeyahay.

Hadii aad qoraalkaan aqrisay, makuu muuqataa in horumarkeenna gaabiska ah uu salka ku hayo dhaqankeenna?

W/Q Cabdifitaax Xaashi Nuur

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -