Jeneraal Al-Burhan oo Kenya darteed u qaadacay Shirka IGAD iyo Hemetti oo isna shaki muujiyay

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Ambassador C/raxmaan Khaliil ayaa sheegay inuusan Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi, Jeneral C/Fataax Al-Burhan ka qeyb geli doonin Shirka Ururka IGAD ee Isniinta soo socota ka furmi Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Shirkaasi waxaa yeelan doona Guddiga Afarta dal ee IGAD  ugu qaabilsan Xalinta Colaadaha ka aloosan dalka Sudan.

Guddiga IGAD ee u xil saaran Arrimaha dalka Sudan ayaa ka kala socda Dowladaha Jabuuti, Ethiopia, Kenya iyo Suudaanta Koonfureed.

Xoghaynta Ururka IGAD waxay Shirkaasi ka furmi doona Addis Ababa ku casuumeen QM, Midowga Afrika, Dowladaha Sacuudiga, Maraykanka, Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan iyo Taliyaha Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF, Maxamed Xamdaan Daglo “Hemetti” .

Dowladda Sudan waxay ka cuddur-daaratay Shirka Guddiga IGAD uga furmi doono Addis Ababa, iyagoo Cabasho Xoogan ka muujiyey Dowladda Kenya oo Madax ka ah Guddiga IGAD ugu qaabilsan Arrimaha dalka Sudan.

Bayaan ka soo baxay Dowladda Sudan ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto uu Xiriir Ganacsi la leeyahay Taliyaha Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF.

Dhanka kale, Hadal ka soo baxay Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF ayaa lagu sheegay inay heleen Casuumaada Rasmiga ee Shirka Guddiga IGAD, balse ay u baahan yihiin Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Ajendaha Shirkaasi.

W/T Ustaad Nuradin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -