Allbanaadir.com
NEWS

Suuqa degmada Afgooye oo saakay xiran iyo hal arrin oo Sabab u noqotay (Sawirro)

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saakay sheegaya in uu xiran yahay inta badan suuqii ugu weynaa Afgooye.

Suuqa Afgooye ayaana sababta uu xiran yahay lagu sheegay in halkaasi tageen rag sheeganaya in ay leeyihiin milkiyadda dhulka uu kuyaallo suuqa ,taa oo xiisad dhalisay sababna u noqday in saakay xirmo.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa Afgooye ayaa sheegay in ay u yimaadeen rag warqado wata oo aysan aqoon, waxa ayna baaq u direen maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan Koonfur Galbeed in ay soo farogaliyaan xiisada taagan.

Ciidamo hubeesan ayaana wararku sheegayaan in lagu arkayo Suuqa Afgooye, ganacsatada Suuqa ayaana lasoo daristay xaalad cabsi iyo jahwareer isugu jirta.

Related posts

Doorasho adag oo caawa ka socota Baladweyne iyo Shan Musharax oo ku hardamaya

Caydiid Ali

Haweenay Mar kaliya umushay labo Wiil iyo Saddex gabdhood (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo maanta lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---