Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo War ka soo saaray duqeyn ka dhacday Sh/dhexe

Taliska Ciidamadda Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxay fuliyeen weeraro dhanka cirka ah oo ka dhacay duleedka Degmadda Aadan Yabaal meel u dhow deegaanka Mabaax ee Gobaladda Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

“Duqeyntan ayaa waxa ay ka dhacday meel qiyaastii 200 KM dhanka waqooyi kaga beegan Caasimadda Muqdisho gaar ahaan meel u dhow duleedka deegaanka Mabaax ee degmadda Aadan Yabaal ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay AFRICOM

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu yiri, “Taliska Mareykanka ee Afrika, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamadda Qalabka Sida ee Xoogga dalka Soomaaliya, ayaa sii wadi doono tallaabooyin hoos loogu dhigayo qorshaha, fulinta, khataraha iyo awoodda Kooxda Al shabaab ee weerarradda halista ku ah Mareykanka, Saaxiibadayadda, iyo dadka rayidka ah”.

Duqeyntan ayaa dhacday xili degaanadaas ay ka socdeen maalmihii u dambeeyey dagaalo qaraar oo u dhexeeya ciidamada DF iyo xoogaga Macawisley oo dhinac ah iyo kooxda Al shabaab, kuwaasoo geystay khasaare xoogan oo labada dhinac kala gaaray.

Related posts

Jidadka Muqdisho qaarkood oo xiran & amniga oo la xoojiyey

Caydiid Ali

Daawo Video:-Madaxwaynihii ugu sabool sanaa Dunida uguna cadaalad wanaagsanaa wax ka baro ?

admin

Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyey Munaasabada Ciidul adxaa, kuna baaqay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---