Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho lagu dilay Israa’iiliyiin ku sugnaa magaalada Washington

Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay laba ka mid ah shaqaalaha safaaradda Israa’iil ku leedahay dalka Mareykanka, dadka la dilay ayaa ku sugnaa bannaanka hore ee Matxafka Yahuudda ee kuyaalla magaalada Washington D.C.

Booliiska dalka Mareykanka , ayaa sheegay in toogashada uu geestay  Elias Rodriguez, oo 30sanno jir ah, ninkan ayaana la sheegay in marka uu dilka geesanayay ku dhawaaqayay Falastiin xur, waxa uuna aad uga xumaa xasuuqa Israa’iil u geesaneyso shacabka Falastiin.

Ninka dilka geestay ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliiska oo hadda baaritaanno ku bilaabay,  ninkan toogasho geestay oo kasoo jeeda Chicago ayey booliiska sheegeen in kaligiis lagu tuihmayo in uu falkan ka dambeeyay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donlad Trump, ayaa si kulul u cambaareeyay toogashada lagu dilay lamanane Yahuud ah, waxa uuna Madaxweynaha weerarkan ku tilmaamay in uu yahay mid yahuud naceyb ah, waxauuna murigada la wadaagay ehelada labada qof ee la toogtay.

Toogashadan ayaa imaaneysa xilli ciidamada Israa’iil xasuuq ba’an ka wadaan magaalada Gasa ee dhulka Falastiin, boqolaal Falastiiniyiin ah ayaa saacado gudahood lagu dilay magaalada Gasa, waxaa sidoo kale loo diiday shacabka in ay helana raashin iyo daawo.

 

 

 

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-shabaab oo saaka weerar qaraxyo ku bilowday ka geysatay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Masiibo dhowaan ku soo fool leh caalamka & Digniin adag oo laga bixiyey

Caydiid Ali

Taliye Saadaq Joon oo xilka laga qaadayo iyo Xil kale oo la qorsheeyay in loo magacaabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---