Golaha amaanka QM oo qaraar soo saaray & heerka Biyaha webga Nile oo hoos u dhacay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar ku saabsan  khilaafka biyo xireenka Itoobiya iyo Masar oo Haatan qarka u saaran gacan ka hadal iyo dagaal.

Xubnaha Golaha ayaa isku raacay in muranka biyo-xireenka lagu xalliyo gudaha Midawga Afrika.

Dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo oo kala ah Masar, Itoobiya iyo Sudan ayaa loogu baaqay in ay ka qayb galaan wada xaajoodka Midawga Afrika uu hogaaminayo.

Masar ayaa ka biyo-diidday qaraarka golaha amaanka  Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Saamix Shukri ayaa sheegay in Masar aanay waligeed Aqbali doonin sida ay Itoobiya wax u waddo.

Wasiirka Biyaha ee Itoobiya ayaa ku dooday in Ethiopia ay xaq u leedahay inay ka cabto kana faa’iidaysato wabiga Nile, aysana jirin arrintaas cid ay u daba fariisaneyso.

Sudan ayaa saacadihii la soo dhaafay sheegtay in heerka biyaha Nile uu hoos u dhac ka muuqdo kadib markii ay Ethiopia bilawday inay buuxiso biyo xireenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -