DEG DEG: Dowlada Somalia oo ku gacan seyrtay warbixintii guddiga xaqiiqo raadinta IGAD

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaamtay warbixin uu soo saaray guddigii xaqiiqo raadinta IGAD ee dhawaan loo saaray dacwaddii dowladda Soomaaliya ka gudbisay Dowladda Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Somalia Cusmaan Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Guddigaas inuusan dhex dhexaad ka noqon arrimaha labada dal, isla markaana uu qaatay warbixinta hal dhinac oo Kenya ah.

Guddigii IGAD ee loo xilsaaray xaqiiqo raadinta dacwadii Somalia ka gudbisay Kenya wuxuu so saaray warbixin lala yaabo oo u janjeerta hal dhinac” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somalia.

Guddiga ayaa sheegay in xuduuda labada dal aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso Jabhad weerarro ka fulisa gudaha Soomaaliya, iyagoo sheegay iney xaqiijiyeen in C/rashiid iyo ciidamadiisa ay ka tirsan yihiin ciidamada Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -