Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland, ayaa shalay fuliyay howlgal khasaaro badan lagu gaarsiiyay kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada huwanta ah ayaa weeraray goobo ay ku dhuumaaleesanayeen xubno katirsan kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada sheegeen in ay dileen in ka badan 20-xubnmood oo katrsanaa Al Shabaab, halka nolosha ay ku qabteen xubno kale kooxdaasi katirsanaa.
Warbaahinta maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigtay sawirada hub tiro badan iyo saanad ciidan oo laga qabsaday kooxda Al Shabaab , waxaana hubka la qabsaday isugu jiraan kuwa la dilay xubnihii watay iyo sidoo kale kuwa ay ka carareen Al Shabaab.
Weerarka lagu qaaday Al Shabaab ayaana ahaa mid qorsheysan oo ciidamada ugu daateen godad ay kooxdaasi ku sugnaayeen, waxa ayna saraakiisha hoggaamineysay howlgalka shaaciyeen in Al Shabaab la gaarsiiyay jab weyn oo aysan ilaawi doonin.,
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com