Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa xalay degmada Moqokori kulan looga tashaday dardar gelinta dagaalka Khawaarijta kula yeeshay odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, gaar ahaan kuwa kasoo heeda deegaanada ay hadda howlgalladu ka socdaan.
Odayaasha ayaa Agaasimaha Hay’adda NISA uga mahadceliyey doorkiisa abaabulka iyo garab istaagga Ciidamada deegaanka ee dagaalka adag la galay Khawaarijta, kana difaacday deegaankooda, waxa ayna sheegeen in xilligii loo baahnaa uu soo garab istaagay.
Agaasimaha NISA ayey sidoo kale Odayaasha dhaqan reer Hiiraan ayaa si gaar ah uga mahadceliyey daryeelka dhaawacyada, duqeymaha loo geysto Khawaarijta iyo garab istaagga ciidan ee dowladda ay ka helaan.
Agaasime Sanbaloolshe ayaa odayaasha dhaqanka ee xalay uu la kulmay uga mahadceliyay sida ay door muuqda uga qaateen howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda gobolka Hiiraan, isagoo ka ballanqaaday in dowladda federaalka ay ka heli doonaan garab istaag dhan kasta leh.