Madaxweyne Farmaajo oo ka shaqeeyay in la joojiyo darbiga Kenya ka dhiseyso Balad Xaawo

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadashay dowlada Kenya in la joojiyo dhismaha darbiga ay ka dhiseyso xadka labada dal wadaagaan gaar ahaan dhinaca Degmada Balad Xaawo .

Kenya ayaa bilowday in ay bur buriso guryo dad shacab ah dagnaayeen oo kuyaala degmada Balad Xaawo si ay halkaasi uga dhisto darbi dheer , waxaana arintaasi ka biyo diiday shacabka ku dhaqan Degmada Balad Xaawo.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ka shaqeeyay in la joojiyo dhismaha darbiga kadib wadahadal uu la yeeshay Madaxda Kenya.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay isku afgarteen in la qabto shir heer sare ah oo ku saabsan xal u helista muranka ka dhashay darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka u dhaxeeya Labada dal.

Gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya guddi gaar ah u saaray arintan, waxa uuna tilmaamay in shir labada dhinac arintan ka yeelanayaan uu dhici doono maalinta berito ah.

“Waxaan idin xaqiijineynaa in la joojiyey dhismihii darbiga Kenya dhiseysay, Madaxda dalka ayaana gacan ka geesatay joojinta dhismaha Darbigaasi, shir ayaa beri u furmaya labada dhinac ,Waxaan rajeynaynaa in xal waara aan ka gaarno arrinkan saameynta badan ku yeeshay nolasha bulshada Balad Xaawo iyo Mandera” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gedo.

Xiisad ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagneed degmada Balad Xaawo kadib markii dowlada Kenya ka bilowday bur burin iyo dhul boob, xaalada ayaana maanta lasoo sheegayaa in wax xoogaa ay degan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -