Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Iska horimaad ka dhacay Magaalada Belad-weyne iyo faahfaahino ka soo baxaya

Ciidamo la sheegay iney ka wada tirsan yihiin hay’adda Nabad suggida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa manta ku dagaalamay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dagaalka ayaa yimid sida warku sheegayo ka dib markii ciidamo ka tirsan NISA ay gadood ka sameeyeen taliye cusub oo loo soo Magacaabay.

Ciidamo oo kale oo amar qaata maamulka maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay inay joojiyaan dagaalka oo socday muddo kooban oo rasaas culus la isweydaarsanayey.

Lama oga weli Khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray ciidamada NISA qeybtooda gobolka Hiiraan, maamulka gobolkana kama hadlin illaa hadda dhacdadan, waxaana hadda degan xaalada magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shixnad gargaar ah u dirtay Magaalada Laascaanod (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Wafdi uu horkacayo RW ku-xigeenka dalka oo booqday degmooyin ka tirsan Gedo

Caydiid Ali

Ciidamada Puntland oo maanta howlgal xooggan ka wada togga Jaceel

Cabdi Cade
Taboola Ads ---