Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Wafdi uu horkacayo RW ku-xigeenka dalka oo booqday degmooyin ka tirsan Gedo

Wafdi uu hoggaaminayo Raisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa booqday maanta saddex ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna kala yihiin degmooyinka ay gaareen, Baardheere, Luuq iyo Doolow.

Ujeedada wafdigan ayaa aheyd sidii ay gargaar deg deg ah u gaarsiin lahaayeen dadka uu sameeyay Fatahaadda Wabiga Jubba.

Waxaa ku soo dhoweeyey degmooyinkaas masuuliyiin iyo shacab fara badan, iyagoo ku wareejiyey deeqdii ay wadeen,waxayna gelinkii dambe ee maanta wafdigan dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo si kulul u beenisay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne oo Warka kasoo baxay NISA ku tilmaamay Isku day Afgembi cusub

Cabdi Cade

Sadiiq Khan oo la kulmay Wiilka Eng Yariisow iyo Duqeyn culus oo lala beegsaday …

admin
Taboola Ads ---