Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Maraykanka oo ka hadlay duqeyn uu maalintii Ciidul-adxaa ka geystay koonfurta Somalia

Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa shaaciyey duqeyn  ay maalintii koowaad ee Ciidula Adxaa la beegsadeen kooxda Alsahbaab oo ka dhacday meel 46-Km Waqooyi bari ka xigta magaalada Kismaayo.

Qoraal ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 2 nin oo ka tirsanaa Al Shabaab, islamarkaana aanay jirin khasaare dadka rayidka ah ka soo gaaray duqeyntan.

“Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay weerar ku qaadeen Xagjirinta AlShabaab meel 46-Km Waqooyi Bari ka xigta magaalada Kismaayo, waxaan ku dilnay 2 Argagixiso.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska AFRICOM.

Maraykanka  ayaa kordhiyey weerarada uu ka geysanayo Somalia tan iyo markii uu talada qabtay madaxweyne Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag Calooshooda oo laga soo saaray in ka badan Boqol xirmo oo daroogo khatar ah !

Cabdi Cade

Nabad Sugida Jubbaland oo gacanta ku dhigay qaraxyo doon lagu gudbinayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Imaam Masaajid oo caan ahaa oo lagu dilay magaalada Kfar Kara iyo baaritaano socda

Cabdi Cade