Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo maanta howlgal xooggan ka wada togga Jaceel

Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa maanta wada howlgal balaaran oo lagu ciribtirayo dagaalyahannada kooxda Daacish, waxa uuna howlgalkan maanta ka socda dhoor aag oo ay ugu horreeyaan togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad.

Cutubyo katirsan ciidamada maamulka Puntland aadna u diyaarsan ayaana maanta wada howlgal si weyn loo qorsheeyay oo ka dhan ah kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada u daateen buuraha iyo godadka ay ku dhuumaaleesanayaan kooxda Daacish.

Hawlgalkani oo lagu tilmaamay mid ka xooggan kana diyaarsan wejigii kowaad ee dagaalka buuraha Cal-miskaad oo ku ekaa Turmasaale ayaa lagu soo warramayaa in uu maanta guula muhiim ah ciidamada ka gaareen howlgalka socda.

Dhinaca kale ciidamo katirsan maamulka Puntland ayaa saakay ku dhaawacmay qarax miino oo ku haleelay farumaha hore ee dagaalka, ciidamada dhaawacyada soo gaareen ayaa loo qaaday isbitaallo kuyaalla magaalada Boosaaso.

Ciidamada maamulka Puntland , ayaa ku jira howlgal baaxad weyn ay ku doonayaan in guud ahaan kusoo afjaraan jiritaanka kooxda Daacish oo fariisimo waa weyn ka sameestay dhulka buuraha ee dhaca gobolka Bari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muqdisho: Dad loo heysto rabshado ka dhacay deg. Daaru-salaam oo la xirxiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsato loo heysto jebinta amar horey uga soo baxay Maamulka Sh/dhexe oo xabsi lagu guray

Caydiid Ali

Dilal saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---