Milatariga Iran, ayaa caawa in ka badan 100 gantaal oo nuuca balastikada ah waxa ay ku qaadeen Israa’iil , gaar ahaan magaalada Tel Aviv iyo magaalooyin kale oo dhulka maamulkaasi katirsan .
Gantaalada Iran ku weerartay caawa magaalada Tel Aviv , ayaa ku dhacay xarumo dowladeed iyo dhismooyin la degan yahay, waxaana muuqaallo la baahiyay laga arkayay dhismayaal burburay iyo goobo kale oo gubanaya.
Maamulka Israa’iil , ayaa isku dayaya in ay qariyaan khasaarooyinka caawa ka dhashay weerarka Iran, waxa ayna warbaahinta ku cadaadinayaan in aan la baahin muuqaallada weerarka iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay.
Isbitaallo kuyaalla magaalada Tel Aviv , ayaa waxaa la dhigay dad ku dhaw 100 qof, kuwaa oo la sheegay in dhaawacyo kasoo gaareen weerarka caawa Iran qaaday, lamana oga ilaa hadda in khasaaro dhimasho ka dhasheen weerarka culus ee Iran ku qaaday Israa’iil.
Maamulka Israa’iil ayaa dedaal badan ku bixinaya sidii loo qarin lahaa xogta khasaaraha ka dhashay weerarka culus ee Iran kusoo qaaday , waxaana shacabka Israa’iil dowladda ka codsatay in aysan baahin sawirrada iyo muuqaallada khasaaraha ka dhashay weerarka Iran.