Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qof shacab ah oo goor dhow si bareer ah loogu dilay Magaalada Muqdisho

Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa goor dhow toogasho ku dilay nin shacab ah, iyadoo falkan uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Kooxaha dilka geystay ayaa baxsaday iyadoo meydka ninka la dilay uu goobta yaallay in muddo ah sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Ciidamada ammaanka dowlada Somalia ayaa goobta gaaray, waxayna halkaas ka wadaan baaritaano.

Lama oga illaa hadda waxaa uu ahaa ninkan iyo sababta loo dilay, waxaana xusid mudan Suuqa Bakaaraha oo ka mid yahay meelaha ugu badan ee ay ku soo laalaabtaan dilalka noocan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la kulmay una Mahad celiyay Mehmet Yilmaz (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo ciidamo Booliis ah kasoo qafaalatay gudaha Kenya

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo si weyn uga carrooday falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka

Cabdi Cade