Dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Israa’iil , ayaa meel adag maraya, waxa ayna labada waddan wadaan weeraro loo adeegsanayo gantaalo culus iyo diyaarado dagaal , iyadoona labada dal sidoo kale ku jiraan is difaacid.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran (IRNA), ayaa shaacisay in ciidanka cirka Iran ku guuleesteen in ay soo ridaan labo kamid ah diyaaradaha dagaalka casriga ee F-35 , kuwaa oo kamid ah kuwa ay sameysay dowladda Mareykanka.
Diyaaradahan Iran soo riday, ayaa Israa’iil u adeegsanaysay weerarrada ay ka wado gudaha Iran, kaddib saacado baraha bulshada lagu wadaagay soo ridista diyaaradahan uu Mareykanka soo saaro, kana mid ah kuwa casrisan caalamka.
Soo ridista diyaaradahan haddii la xaqiijiyo ayaa noqoneysa markii ugu horreysay uu dal soo rido diyaaradaha jiilka shanaad ee F-35 ay soo saartay dowladda Mareykanka.
Israa’iil ayaa sidoo kale xilligan duqeymo culus ku garaaceysa xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Tehran , gaar ahaan xarunta Madaxtooyada uu degan yahay Madaxweynaha iyo guriga hoggaamiyaha kacaanka Iran Ayatullah Khameni.
Nidaamka difaaca Iran, ayaana kahor tagaya duqeymaha ay Israa’iil ku garaaceyso xarumaha kuyaalla Iran, waxa ayna nidaamka difaaca Iran hawada ku bur buriyeen qaar kamid ah gantaalada Isra’ail ku weerareyso Iran.