Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo qabatay baabuur lagu soo qariyay diyaarado Drones oo Isra’il adeegsan rabtay

Warbaahinta Iran, ayaa ku warramaysa in sirdoonka Iran, gacanta ku dhigeen labo gaari oo lagu soo dhex qariyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaasoo u muuqda in loo diyaarinayay weerarro laga abaabulo gudaha Iran inay Israa’iil fuliso.

Labada gaari ee la qabtay mid waxaa lagu sheegay inuu ahaa xamuul, waxaana lagu qabtay gobolka Zanjan, halka gaariga kalena uu ahaa Toyota Hilux oo lagu qabtay magaalada Kermanshah. Waxaa kaloo la xiray shaqsiyaad la sheegay in lagu tuhmayo la shaqeynta sirdoonka Israa’iil.

Ma jiro macluumaad rasmi ah oo ay sirdoonka Iran baahiyeen, balse haddii la xaqiijiyo gaadiidkan in lagu soo qoriyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xilli horraantii Jimcihii ay Israa’iil qiratay weerarrada ay ka fulisay Tehran in qaar ka mid ah laga abaabulay gudaha,muddana saldhigyo ay halkaa ku lahaayeen Mossad .

Weerarka dib inoo xasuusinaya howlgalkii kowdii bishan June ay Ukraine ka fulisay gudaha Ruushka , oo sidan oo kale gaadiid lagu qariyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn gudaha loo geliyay Ruushka!

Xaaladan , sidoo kale waxay kicinaysa sirdoonka Ruushka , maaddama labada weerar ay u dhacayaan si isku mid ah, taa oo dhalinaysa in weerarkii Ruushka ka dhacayna ay wax ka diyaarisay Mossad.

Related posts

Goobjoogayaal caalami ah oo tagay Hargeysa lana kulmay Muuse Biixi (Sawirro)

Cabdi Cade

Iran oo wacad ku martay iney xanuunjin doonto Israel

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal gaadmo ah ku dilay xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---