Allbanaadir.com
NEWS

Dab xooggan oo qabsaday garoonka Diyaaraha ee Mehrabad

Wararka ka imaanaya magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, ayaa sheegaya in uu dab xooggan qabsaday garoonka diyaaraha ee Mehrabad, kaas oo kuyaalla magaalada Tehran.

Dabka qabsaday garoonka ayaa loo badinayaa in uu ka dhashay weerarada dhinaca cirka ah ee Israa’iil xalay ku qaaday bartilmaameedyo kuyaalla magaalada Tehran ee caasimadda Iran.

Gaadiidka dabdamiska , ayaana si deg deg ah uga howlgalay daminta dabka qabsaday garoonka diyaaradaha , waxaana aagaasi laga daadgureeyay dadka rayidka ah ee ku sugnaa.

Israa’iil oo markii hore duqeymaha ku bartilmaameedsaneysay xarumo milatari iyo guryaha saraakiisha iyo madaxda sare ee Iran, ayaa markan u muuqata in duqeymaha balaarisay kuna dartay ilaha dhaqaalaha sida garoomada diyaaradaha.

Dagaalka dhinaca cirka ah ee u dhaxeeya Iran iyo Israa’iil ayaa waji cusub galaya, waxaana labada dal milatarigooda isku adeegsanayaan weeraro dhinaca cirka oo gantaalo iyo bambooyinka qaraxyada waa weyn sameeya.

Screenshot

Related posts

Weerar ciidamada Israel ka fuliyeen Koonfurta Lubnaan oo dhimasho sababay

Caydiid Ali

Aqalka sare oo War kulul ka soo saaray khilaafka loo maaro waayey ee Madaxda Galmudug

Caydiid Ali

Booliska Kenya oo dil argagax leh ka geystay degmada Mandhera & Xiisad ka dhalatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---