Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo shixnad gargaar ah u dirtay Magaalada Laascaanod (Sawirro)

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa maanta diyaarad wada shixnad Gargaar daawo ah u dirtay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo ay ka socdaan dagaalo.

Diyaaradaan oo Garoowe ka dagtay ayaa magaaladaas waxaa looga qaadayaa gawaari si ay u gaarsiiyaan isbitaalada Laascaanood oo dhaawacyo badan ay jiifaan.

Shixnadaan daawada ah ayaa iskugu jirta qeybaha kala duwan ee daawada waxaana loogu talagalay dadka rayidka ah ee colaada Laascaanood qasaaraha ka soo gaaray.

Agaasimaha guud  ee Arrimaha Bini’aadantinimo Hay’adda Maareynta musiiboyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Abdirashiid Maxamuud Hassan, Madax Qeybta Caafimaadka Xarunta Howlgalka Degdega ee Hey’adda SoDMA Dr. Cabdullahi  Muuse Axmed iyo Masuuliyiin kale oo katirsan SoDMA ayaa diyaaradaan ka sagootiyey garoonka Aadan cade.

Laascaanood iyo hareeraheeda ku dhawaad labo bilood waxaa ka socda dagaalo u dhexeeya xoogaga degaanka ee SSC iyo ciidamada Somaliland kuwaasoo khasaarooyin badan oo iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Related posts

Midowga Yurub oo gaadiidka Dab damiska iyo Ambalaasyo ku wareejiyay G/Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Xulka Ciyaartoyda 17-jirada Somalia oo dalka ku soo laabtay & RW khayre oo soo dhoweeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Guurtida Somaliland oo Muddo kordhin u sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---