Gantaalaha balastika ee Iran ku weerartay Israa’iil, ayaa ku dhacay xarumo dowladeed iyo dhismayaal waa weyn oo kuyaalla magaalada Tel Aviv, kaddib markii nidaamka difaaca Israa’iil ku guul dareestay in gantaalada qaar kahor tagaan.
Warbaahinta caalamka ugu afka dheerka qaarkood ayaa baahiyay goobaha ay ku dhaceen gantaalada Iran in ay ku jiraan xarunta Wasaaradda Difaaca Israa’iil iyo sidoo kale xarunta Sirdoonka Isra’il ee Mossad.
Magaalada Tel Aviv, ayaa la arkayay iyada oo qaaceeda uu baxayo, waxa ayna magaalada u muuqataa mid lagu kala cararay oo firaaqo ah, waxa ayna dadku galeen goobo gabaad ah, si ay uga badbaadaan gantaalada Iran.
Weerarkan aargoosiga ah ee caawa qaaday Iran, ayaa u muuqda mid xooggan, waxa ayna Israa’iil ku fashilantay in ay kahor tagto weerarada gantaalada balastika ee caawa Iran ku qaaday magaalooyin dhoor ah oo katirsan Israa’iil.
Dagaalka ka dhax qarxay Israa’iil iyo Iran ayaa u muuqda mid saameyntiisa caalamka laga dareemayo, waxa ayna madax badan ku baaqeen in xiisada labada dal u dhaxeysa la qaboojiyo lana raadiyo xal nabadeed.