Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo Xariga ka jaray garoon Diyaaradeed oo la dhisay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xariga ka jaray Garoonka diyaaradaha Degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Xubno ka mid ah Golayaasha Dowlada, Maamulka Degmada iyo guddiga dhismaha garoonka Diyaaradaha degmada balanbal ayaa si wadajir xariga uga jaray dhismaha garoonka diyaaradaha oo wajigiisa koobad soo dhamaaday.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo bogaadiyay maalgelinta iyo dhismaha Garoonka diyaaradaha degmada balanbal, isagoon sheegay in Dowladda Galmudug ay qeyb ka qaadan doonto dhismaha iyo dhameystirka Garoonka Diyaaradaha balanbal.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa bulshada degmada balanbal kula dardaarmay in lala shaqeeyo maamulka Cusub ee Degmada lagana gacan siiyo dhinac walba oo horumarinta bulshada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo Xildhibaan oo kamid noqonaya Gollaha Shacabka goordhaw lagu doortay Kismaayo

Cabdi Cade

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo wada qorshe ay da’dooda ku ogaaneyso dadka Muhaajiriinta ah

admin

Booliiska oo War kasoo saaray khsaraaha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---