Guddoomiyaha Guddiga amniga Baarlamaanka Iran, Ebrahim Azizi ayaa shaaca ka qaaday inay Israa’iil bilowday xiriiro ay la sameynayso dalalka dhexdhexaadka ah, si ay Iran ugu qanciyaan joojinta weerarrada ka dhanka ah Israa’iil, sida ay ku warrantay Al Jazeera.
Codsiga ay dalalka dhexdhexaadka ah u gudbisay Israa’iil, wuxuu ku soo aadday, xilli ay Iran isku diyaarinayso inay weerar ballaaran ku qaado Israa’iil.
Iran waxay muujisay awood muuqata, iyadoo aysan jirin Dal weyn oo caawinaad ay ka helayaan.
Jawaabtii xalay ay Iran ka bixisay weeraradii Israaiil ka geysteen Tehran ayaa muujinaya in Iran aysan aheyn sidii la moodayey, ayna Israel isku dhufsatay xisaabo qaldan.
200 Gantaal ayey ku garaaceen Tel-Av1v iyo deegaanada keydka hubka ee Israaiil leedahay, waxaana duqeymahaas ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac israel ayaana ka argagaxday baaxada weerarka Iran.
Waxaa la xiran garoonka dayuuradaha Tel Aviv, sidoo kale dekadda ayaa xiran, malayiin shacabka Israaiil ayaa waqtigaan ku gambanaya dhulka hoostiisa. Iyadoo nidaamka difaaca Israaiil ku guuldareysteen inay ka hortagaan madaafiicda Iran.
Safiirka USA ee Israaiil oo goor sii horeysay hadlay ayaa yiri “Waxa Tel Aviv ka dhacay waa wax aan horay loo arag loona maqal”
Dadka siyaasadda Bariga dhexe aad u falanqeeeya oo la hadlay Warbaahinta caalamka sida Aljazeera ayaa sheegaya in Iran soo bandhigtay awood weyn oo aan la dhayalsan karin.