Booliiska oo War kasoo saaray khsaraaha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay agagaarka Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaa lala eegtay gaadiid uu la socday taliyaha booliiska qeybta gobolka Banaadir Gaashaanle sare Farxaaqn Qaroole, taliyaha ayaana la sheegay in uu qaraxan ka bad baaday.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in taliyaha booliiska Gobolka Banaadir uu ka bad baaday qaraxa ismiidaaminta ah balse khasaaro uu kasoo gaaray qaraxa dad shacab ah.

Waxa uu sheegay afhayeenka in qaraxa ku dhinteen dad gaaraya afar qof oo shacab ah sidoo kale ku dhaawacmen ilaa 9-qof oo kale, waxa uuna meesha ka saaray khasaaro qaraxan kasoo gaaray ciidanka booliiska ee ilaalada u ahaa taliyaha la qarxiyay.

Warar madax banaan oon helnay ayaa sheegaya in khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxa ismiidaaminta ah uu inta ka badan yahay ayna jiraan khasaaro soo gaaray ciidankii la socday taliyaha la weeraray.

Qaraxyada ismiidaaminta ah ee loo adeegsado gaadiidka waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ku yaaraay Muqdisho, waxaana qaraxan uu imaanayaa xili isbuucii hore qarax khasaaro badan dhaliyay uu ka dhacay degmada Shibis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -