Somaliland oo shaacisay Al Shabaab iyo koox kale kula dagaalamayaan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa ka socda dagaal galay maalintii 9-aad , kaa oo u dhaxeeya ciidamado taabacsan dadka deegaanka Laascaanood iyo ciidamada maamulka Somaliland.

Dagaalka ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya, waxa uu sidoo kale dagaalka sababay barakac aad u badan .

Afhayeenka ciidanka Somalilamd Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xassan (Cabdi Dheere) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidankooda dagaal kula jiraan kooxo hubeesan oo katirsan Al Shabaab iyo dhallinyaro caadifeesan oo deegaanka ah.

Waxa uu sheegay afhayeenka ciidanka Somaliland u hadlay in dagaalyahanada Al Shabaab ee dagaalka kula jira taageero hub iyo saadba ka helayaan maamulka Puntland, waxa uuna cadeeyay in dagaalka xoogiisa wadaan kooxda Al Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aysan wali qaadin dagaal, ayna u turayaan bulshada iyo magaalada in ay duntana ay diidan yihiin, waxa uuna xusay in Isimada aysan waxba gacanta ku heyn ayna dagaalka hoggaankiisa wadaan Al Shabaab.

Cabdi Dheere ayaa sheegay in Madaafiicda magaalada lagu garaacayo iyo guryaha la duminayo ay ka dambeeyaan Al Shabaab oo kusoo tuuraysa madaafiicda magaalada, si dambiga loo saaro ciidanka Somaliland.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa la sheegay in madaafiic culus ku garaacayaan magaalada Laascaanood , waxaana magaalada wali tahay aag dagaal oo si kulul la isugu farasaaray kana barakaceen inta badan dadkii deganaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -