Taliyaha Ciidamada Badda Israa’iil ALOF Deved Salami ayaa ku dhintay duqeyntii ugu dambeysay ee ay Iran ka geysatay dhulka ay yuhuudu xooga ku qabsatay.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqeyn culus oo Iran ay qaaday lagu dilay Taliyaha Ciidamada Badda ee Israa’iil, ALOF Deved Salami.
Weerarka ayaa la rumeysan yahay inuu qeyb ka yahay jawaabta tooska ah ee Iran ka bixisay weeraradii hore, iyadoo dagaalka sii xoogeystay.
Waxaa mooda in eey markaan xaalku yahay qaninyo qaniinya kaa fujiso dagaalkuna wuxuu galay wejigii ugu kululaa.
Labada dhinac ayaa weli isweydaarsanaya weeraro loo adeegsanayo gantaalo iyo dayuurado dagaal oo nooco kala duwan, mana muuqato ifafaale muujinaya in dagaalku joogsanayo.