Khilaaf u dhaxeeya Duqa Muqdisho iyo Kuxigeenkiisa koobaad oo bannaanka usoo baxay

Waxaa bannaanka usoo baxay khilaaf muddooyinkii dambe u dhaxeeyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale iyo guddoomiye kuxigeenka koobaad ee maamulka gobolka ahna kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda.

Sida aan xogta ku helnay khilaafkan u dhaxeeyay labada masuul ayaa ka dhashay dhinaca maaliyadda, waxaana guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda ka biyo diiday bixinta lacago aan nidaam sharci ah soo marin uu dalbaday Duqa Muqdisho.

Waxa sidoo kale khilaafka Madaale iyo Ciise Guure salka ku hayaa miisaaniyadda gobolka Banaadir uu sameeyay guddoomiye kuxigeenka maamulka, taa oo meesha ka saareysay lacago badan oo sifo aan sharci aheyn ku bixi jiray.

Guddoomiye Yuusuf Madaale oo shalay safar shaqo ugu baxay dalka Masar ayaa ku simaha guddoomiyaha ka dhigay kuxigeenka siyaasadda iyo amniga Maxamed Yabooh , halka kuxigeenka koobaad uu ahaa Ciise Guure ayna aheyd in isaa ku sime noqdo .

Ciise Guure iyo kuxigeennada kale ee maamulka gobolka ayaa dhankooda ka biyo diiday in ku sime laga dhigo kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda, waxa ayna masuuliyiintan uga digeen Madaale in uusan gobolka gelin khilaaf iyo dib u dhac.

Khilaafkan soo bannaan baxay ee u dhaxeeya guddoomiyaha gobolka iyo kuxigeenkiisa koobaad ayaa laga cabsi qabaa in khal khal galiyo shaqada gobolka ayna abuurto xaalad saameyn badan galisa shaqada gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -