Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda
Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda laga qaaday Marwo Seynab Maxamuud Warsame oo xilkaas muddo dheer heysay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Warta Nabadda in uu mudnaan siiyo harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulankaan ayaa looga hadlay dar-dargelinta shaqooyinka Dowladda Hoose ee Xamar, tayeynta shaqaalaha iyo sidii looga dhabeyn lahaa qorshayaasha hor-tabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinaayo Caasimadda Muqdisho.
Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in la joogteyn doonno isla xisaabtanka Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir, si loo dar-dargeliyo adeegyada loo haayo shacabka, isla markaana ay Howlwadeenada si hufun u gutaan waajibaadkooda shaqo.