Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka caalamka (IAEA) ayaa sheegtay in aysan jirin ilaa iyo hadda calaamad muujinaysa in shucaac ku faafay bannaanka xarumaha nukliyeerka Iran, kaddib weerarradii Israa’iil ku qaaday, taasoo meesha ka saaraysa inuu jiro wax khasaare ah oo gaaray xarumaha nukliyeerka Iran, xataa iyadoo Israa’iil ay marar kale duwan duqeymo ka geysatay.
Afhayeen u hadlay ururka tamarta Atomiga ee Iran ayaa sheegay in khasaare xadidan una badan burbur uu soo gaarey goobaha Kobcinta macdanta laga sameeyo Nukliyeerka.
“Waxaa jiray burbur xaddidan oo soo gaaray meelaha qaar, waxaan goobta ka saarnay qalabka iyo agabka, mana jirin waxyeello soo gaartay macdanta” ayuu yiri Afhayeenka.
Weeraradii Israa’iil ay ku qaaday Iran, gaar ahaan kuwa lagu beegsaday xarumaha nukliyeerka sida Natanz, ayaa sare u qaaday walaaca ah inuu dhici karo shucaac ka dhasha nukliyeerka (radiation leak) iyo khalkhal weyn oo ka dhasha burburinta kaabeyaasha tamarta iyo qaboojinta.
Dhammaadkii sannadkii 2024, khubarada iyo warbaahinta istiraatiijiga ah waxay horay u saadaaliyeen haddii Israa’iil ay weerarto xarumaha nukliyeerka gaar ahaan xarunta Natanz , inay u badan tahay inay bartilmaameedsato nidaamyada qaboojinta (cooling systems) halkii ay si toos ah u weerari lahayd qalabka tamarta nukliyeerka.
Sababta ugu weyn ayaa ah in qalabka centrifuge-yada ee uranium-ka lagu nadiifiyo ay ku yaalliin dhulka hoostiisa, oo aan ahayn dhismayaal dusha ka muuqda.
Xaggee hadda la bartilmaameedsaday?
Sida ay muujiyeen sawirrada la helay ee ka yimid dayax-gacmeedka, inta badan weerarrada lagu qaaday xarunta Natanz, waxaa lagu dhuftay nidaamyada qaboojinta iyo tamarta xarunta.
Weerarku ma ahayn mid si toos ah ugu dhacay qalabka centrifuge-yada.Tani waxay tilmaamaysaa in Israa’iil si gaar ah u dooneysay in:
- Heerkulka gudaha xarunta kor ugu kaco, taasoo keeni karta in qalabku kululaado oo uu burburo si iskiis ah.
- Waxyeelladu aysan noqon mid sababi karta shucaac, si looga hortago cudud-dar diblomaasiyadeed iyo faashilka caalami ah.
Maxaa looga baqayaa haddii si toos ah loo weerari lahaa?
Haddii Israa’iil ay toos u weerari lahayd qalabka lagu nadiifiyo uranium-ka:
Waxaa dhici lahayd daxal shucaac ah oo halis gelin kara meelo ka baxaan Iran.
Iran waxay heli lahayd marag cad oo caalami ah oo ay ku sababeyn karto weerar ay ku qaaddo xarumaha nukliyeerka ee Israa’iil sida Dimona.Tani waxay muujinaysaa in weerarka Israa’iil uu ahaa mid si xeeladaysan loo maamulay, lana doonayay in la gaabiyo barnaamijka nukliyeerka Iran, balse aan la hurin falcelin caalami ah.
Ujeeddada dhabta ah ee weerarka:
Ujeeddada ugu weyn ee Israa’iil laga leeyahay weerarkan ayaa ah: In la joojiyo horumarka barnaamijka nukliyeerka Iran muddo bilo ah.
In Iran lagu khasbo inay qalab cusub keensato (oo dibadda laga soo iibsado).
Dib u hagaajin ku samayso nidaamyada tamarta iyo qaboojinta.
Waxay sidoo kale suuragal tahay in Israa’iil ay doonayso inay beegsato silsiladda sahayda (supply chain) ee qalabka nukliyeerka oo ay qiimeyso xawaaraha Iran ku soo kaban karto kaddib weerar noocan ah.
Su’aal furan: Ma leedahay Iran nidaamyo qaboojin oo kayd ah?
Haddii Iran ay horay ugu talo gashay weerar noocan oo kale ah:
Waxa suuragal ah in nidaamyada qaboojinta hoos loogu dhisay dhulka si ay u sii shaqeeyaan xitaa haddii kaabeyaasha sare la burburiyo. Haddii ay sidaas tahay, xarunta Natanz waxay dib u bilaabi kartaa howlgalkeeda hal toddobaad gudihiis ilaa dhowr toddobaad.
Tani waxay ka dhigan tahay in Weerarka Israa’iil , uu ku dhammaaday iyadoo aan la gaarin hadafkii laga lahaa , laguma helin guul istiraatiiji ah oo waarta.
Xaaladan, ayaa Iran siinaysa; adkeysi farsamo iyo mid siyaasadeed, taasoo uga dhigan guul dagaal iyo mid sumcadba.
Saamaynta iyo halista mustaqbalka;
Weerarka lagu qaaday xarunta Natanz wuxuu ahaa xisaab xiran, oo looga dan lahaa in Iran lagu wiiqo iyadoo aan la hurin cawaaqib diblomaasiyadeed.
Ilaa hadda ma jiro shucaac faafay, waxaana weerarku si gaar ah u beegsaday nidaamyada qaboojinta iyo korontada.
Su’aasha ugu weyn ee hadda taagan waa: Iran ma leedahay awood ay ku soo kaban karto si degdeg ah?
Haddii ay sidaas tahay, dagaalka tiknoolajiyadda nukliyeerka wuxuu geli doonaa wejigiisa labaad!
Nidaamyada difaac ee Iran, ayaa waxyar ka hor ka hortagay weerarro ay Israa’iil ku qaaday dhowr magaalo oo ka tirsan Iran oo ay ku jiraan; Tabriz, Khorramabad, iyo Kermanshah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim.
Nidaamka difaaca Iran, ayaa tan iyo xalay laga arkay inuu si firfircoon u shaqeynayo, taa oo hoos u dhigtay khasaaraha weerarrada Israa’iil.