Allbanaadir.com
NEWS

Netanyahu oo ka cararay Israel, xili weerarka Iran uu socday

Telefishinka Israa’iil ee Channel 13 , ayaa xaqiijiyay IN RW Netanyahu uu ka baxay Israa’iil, xilliga uu bilowday weerarka Iran ee xalay ku qaaday Telaviv, waqtigaasoo diyaaradiisa gaarka ah uu u qaatay magaalada Athens ee caasimadda Giriigga, isagoo aan wali dib ugu soo laaban Israa’iil.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa ku socday gudaha Israel duqeymo xooggan oo ay Iran kaga jawaabayso weerar ay dhowaan Xukuumadda Netanyahu ku qaaday dalkeeda oo khasaare badan dhaliyay.

Mareykanku wuxuu sheegay in Israa’iil ay xaaladda halis ah gashay gantaallada Tehran awgood.

Safiirka Maraykanka ee Israa’iil, Mike Huckabee ayaa sheegay in xalay ay ahayd habeen aad u adag gudaha Israa’iil, isagoo intaas ku daray in ilaa 5 jeer uu ku qasbanaaday inuu u cararo goobo gabaad ah oo gantaallada looga dhuunto.

Duqeymaha Iran oo isugu jira boqolaal gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa ka socda goob kasta oo ka mid ah Israa’iil, waxaana jira khasaare dhimasho, burbur iyo hakad ku yimid adeeg walba oo nolosha muhiim u ah.

Warbaahinta Iran, ayaa soo werisay inay Iran isku diyaarinayso weerar kale oo ballaaran oo ay caawa ku qaadi karto Israa’iil, xilli telefishinka Iran uu sii daayay oraahyo ay ku jirtay ; “ Waxaa na sugaya habeen kale oo dheer”.

Related posts

Maxaabiistii reer Somaliland oo Muqdisho loo soo duuliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo kusii jeeda Adis Ababa kana hadlay ujeedka Safarkiisa

Cabdi Cade

Rag kufsi iyo jir dil u geestay gabar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---