Labo Xildhibaan oo kamid noqonaya Gollaha Shacabka goordhaw lagu doortay Kismaayo

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland lagu doortay labo xildhibaan oo kamid noqonaya xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Kursiga sumadiisi yahay HOP 114 oo doorashada maanta lagu bilaabay ayaa waxaa ku guuleestay Cumar Ibraahim Xaashi oo helay 80-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdi Aadan Cabdulaahi uu isna helay 12-cod.

Waxaa sidoo kale kursiga labaad ee doorashadiisa ka dhacday Kismaayo sumaddiisuna tahay HOP 107 ku guuleestay Maxamed Sheekh Nuur Cismaan oo kusoo baxay gacan taag kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay Xasan Cismaan Aadan.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ka socota magaalada Kismaayo ayaa ah mid natiijadeeda lasii ogyahay oo kusoo baxayaan Musharaxiin uu wato Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -