Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Dowladaha Yurub oo wada qorshe ay da’dooda ku ogaaneyso dadka Muhaajiriinta ah

Dowlada Jarmalka ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in ay ku ogaato da’da saxda ah ee dadka Muhaajiriinta ah ee dalkaasi soo gala, si loo ogaado dadka ka been sheega da’da rasmiga ah ay jiraan.

Dhaqaatiirta dowlada Jarmalka ayaa ka hor yimid qorshahan ay dowlada Jarmalka ku dooneyso in ay ku baarto da’da rasmiga ah dadka Muhaajiriina ah ee iska soo dhiiba dalkaasi.

Masuuliyiin katirsan dowlada Jarmalka ayaa sheegay  in ay jiraan dad badan oo soo galooti ah oo da’dooda been ka sheega, islamarkaasna sheegta in ay ka yaryihiin da’da qaangaarnimada si ay uga badbaadaan in la tarxiilo.

Dadka kasoo horjeeda qorshahan Dowlada Jarmalka ku baareyso da’da rasmiga ah ee dadka Muhaajiriinta ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid aanan anshaxa caafimaadka ku fiicnayn, islamarkaasna uusan soo kordhinaynin wax micno ah.

Qorshahan ay dowlada Jarmalka ku dooneyso in ay ku baarto da’da dadka muhaajiriinta ayaa imaanaya xili dhawaan dalkaasi wiil 15-sano jir ah oo u dhashay Afganistan toorey ku dilay gabar Jarmal ah oo xirii kala dhaxeeyay kadib markii uu ku eedeeyay in xiriirka u jartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo faray Wasiirka Maaliyada dar dar galinta arin Muhiim u ah Somalia (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo: Halis Siyaasadeed oo ku soo wajahan Farmaajo & shir ka furmay Imaaraadka

Caydiid Ali

Musharax Guuleed oo hadlay sida uu u arko Xubnihii laga saaray Guddiga Doorashada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---