Madaxweyne Putin oo dareen Murugo la qeybsaday Hooyooyin Wiilashooda dhinteen

Madaxweynahadalka  Ruushka, Vladimir Putin ayaa kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah hooyooyinka wiilal ay dhaleen oo katirsanaa ciidamada Ruushka ku dhinteen kuna dhaawacmeen dagaalka ka socda Ukraine.

Vladamir Putin ayaa u sheegay hooyooyinka uu la kulmay in uu la qeybsanayo xanuunka wiilashooda ku dhintay kuna dhaawacmay dagaalka Ukraine, waxa uuna sheegay in ciidamada Ruushka u dhimanayaan difaaca dalkooda iyo sharaftooda.

“Ma jiraan wax bedeli kara nolosha wiilashiina, waana idinla dareemayaa xanuunka wiilshiina qaar in ay ku weyseen dagaalka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen” ayuu ku yiri Putin hooyooyinka uu la kulmay.

Dadka siyaasad ahaan kasoo horjeeda Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in hooyooyinka uu la kulmay madaxweynaha ay yihiin kuwa si gaar ah loo soo xulay oo katirsan ururo taageersan siyaasadda Putin.

Ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine ayaa laga dilay kumanaan kun oo askari, halka laga dhaawacay tiro intaa ka badan, waalidiin badan ayaana wali la murugeesan in wiilashooda ay jeclaayeen ku geeriyoodeen dagaal micno darro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -