Allbanaadir.com
NEWS

Gacankudhiigle Abuukar Axmed Diiriye oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka booliska Puntland, gaar ahaan taliska qaybta gobolka Nugaal, ayaa xalay ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan nin gacankudhiigle ah oo qof shacab ah si bareer ah ugu dilay magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed kasoo baxay booliiska Puntland , ayaa lagu sheegay in ciidamada howlgal deg deg ah ay sameeyeen ku guuleesteen in ay gacanta kusoo dhigaan ninka dilka geestay oo magaciisa lagu sheegay Abuukar Axmed Diiriye .

Dilka uu geestay ninkan booliiska soo qabteen , ayaa ka dhacay jidka Sodonka, agagaarka shirkadda NEC ee magaalada Garoowe, waxa ayna booliiska magaalada Garowe wadaan baaritaanno ku aadan dilkan iyo sababta keentay.

“Baaritaanka kiiskan waxaa si toos ah gacanta ugu haya Ciidanka Baarista Dembiyada (CID) ee Gobolka Nugaal, kuwaas oo wada baaritaanno qoto dheer si loo xaqiijiyo faahfaahinta dhacdada iyo cid kasta oo suurtagal ah in ay arrintan la xiriirto” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska Puntland.

Magaalada Garoowe, ayaa waxaa mudooyinkan kusoo badanaya dilalka ay geesanayaan ragga hubeysan, waxa ayna laamaha amniga Puntland wadaan qorshe hubka looga dhigayo ragga hubeysan ee dilalka geesta mararka qaar.

Related posts

Muuqaal laga qaaday Weerarkii lagu dilay Hogaamiyaha Daacish oo la baahiyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gudoomiye gobol oo u geeriyooday Cudurka Caronavirus iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyay

Cabdi Cade

Maxaa ka dhalan kara boobka iyo Sed bursiga lagu hayo hanaanka doorashada dalka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---