Maxay tahay sababta ay Al-Shabaab u gubayaan gaadiidka dhuxusha wada?

Xili ay soo badanayaan Gaadiidka dhuxusha wada ee ay Al-shabaab ku gubayaan gobolka Sh/hoose gaar ahaan nawaaxiga degmada Afgooye ayaa maamulka gobolka waxaa uu ka hadlay waxa arintan keenay iyo halka ay salka ku heyso.

Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda ee gobolka Sh/hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegaya in sababtu tahay in Al-shabaab ay diiddan yihiin in la jaro dhirta si ay uga dhigtaan gabaad ay ka galaan duqeymaha dayuuradaha Maraykanka.

Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho ku dilay saddex qof kuna gubay labo Gaari oo dhuxul waday.

C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in gaadiidkaas ay ka soo galbiyeen degaanka Doonka ee duleedka Afgooye markii ay geeyeen degaanka Xaawo Cabdina ay ka laabteen iyagoo islahaa in qatartii ay ka soo gudbiyeen balse ay Al-shabaab ay dhexda u galeen sidaasna ku gubeen.

Al-shabaab ayaa labada todobaad gudahood degaanka Doonka ee duleedka Afgooye ku gubtay 12 gaari oo dhuxul u waday Muqdisho, waxaana shalay xigay labo kale oo ay ku gubeen degaanka Xaawo Cabdi.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta ay Al-Shabaab u gubayaan gaadiidka dhuxusha wada, iyadoo illaa hadda uusan jirin hadal arintan ku saabsan oo afhayeenada kooxdan ay soo saareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -