Milatariga Pakistan , ayaa saakay weeraro culus oo dhinaca cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo kuyaalla gudaha dalka Hindia, weerarkan ayaana jawaab u ah weeraro habeeno kahor milatariga India ku qaadeen qeyb kamid ah dalka Pakistan.
Diyaaradaha dagaalka Pakistan , ayaana duqeymo culus ku garaacay xeryo milatari oo kuyaalla gudaha India, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in jiraan khasaarooyin ka dhashay weerarada Pakistan ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee India.
Sargaal katirsan milatariga India, ayaa goordhaw warbaahinta u sheegay in Pakistan weerarka ay kusoo qaaday u adeegsaneyso gantaalo dheereeya, waxa ayna India sheegtay in ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo weerarka uga imaanaya dariskooda Pakistan.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in weerarka dhinaca cirka ah Pakistan ku qaaday dalka India, in uu dhinac socdo weerar kale oo dhinaca internetka ah, kaa oo lagu beegsaday xarumaha difaaca iyo isgaarsiinta milatariga.
Dagaalka u dhaxeeya Pakistan iyo India, ayaa cabsi weyn laga qabaa in uu sii xoogeesto, Pakistan ayaana horey u sheegtay in jawaab adag ka bixin doonto weerarkii India habeenno kahor ku qaaday gudaha Pakistan, kaa oo lagu dilay dad badan oo shacab ahaa.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com