Taliyihii hore ee hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa si dadban weerar dhinaca afka ah ugu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Fahad Yaasiin , ayaa qoraal uu soo saaray ku sifeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiye daacad ah, waxa uuna xusay in Madaxweynaha wax badan uu kala diray xitaa uu kala diray xisbigii uu lahaa ee UPD.
Qoraalka Fahad Yaasiin ayaa u qornaa sida tan:
Madaxweyne Xasan waa Hoggaamiye caddaalad ah!
Dastuurkii heshiiska lagu wada ahaa inuu ka guuray ma ogayd? Doorasho heshiis lagu yahay inuu ka guuray ma ogayd? Puntland iyo Jubland uma baahni inuu yiri ma ogayd?
Intaas meel sii dhigo. Madaxweyne Xasan oo Xisbi UPD la yiraahdo Guddoomiye ka ah ma ogayd?
Mashaqada taagan. Madaxweynihii wuu ka guuray Xisbigii UPD, karti uu xisbi cusub ku abuuro waa isugu toosi la’dahay. Wax walbo oo loo dhiibay siduu uga guurayay xitaa xisbigiisii waa ka guuray. Sow Caddaalad maahan ugu yaraan!
Nasiib darro, Madaxweynaha aan ka sugayno Soomaali midaysan, xisbigiisa ayuu midayn la’yahay.
Odaygu malaha waa DHAGAX KARIYE oo waa sheekadii uu sheegi jiray Cabqarigii caanka ahaa eeCabdiqadir Aromo. Allow kuu naxariiso.