Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka da’ay roob aad u xoog badnaa, kaa oo dadka magaalada degan sheegeen in muddooyinkan aysan arag nuuciisa, waxaana roobabkii xalay ka da’ay caasimadda ka dhashay khasaraooyin badan oo naf iyo maalba isugu jira.

Inta la xaqiijiyay ilaa hadda afar qof ay ku jiraan gabar aad u yar iyo wiil 12 sanno jir ah ayaa kamid ah dadka roobku sababay in ay geeriyoodaan, waxaa sidoo kale jira dad kale oo khasaraooyin roobka kasoo gaaray oon wali warbixintooda si rasmi ah loo helin.

Waxaa saakay la helay meydadka wiil yar oo biyaha roobka soo qaaday oo galay god kuyaalla laamiga Soobe, waxaa sidoo kale la helay meydka nin la sheegay in uu ahaa sargaal katirsan booliiska Soomaaliya, kaa oo isna biyaha roobka qaadeen.

Dad badan oo degan magaalada Muqdisho ayuu xalay saameyn xooggan ku yeeshay roobkii xooganaa ee magaalada ka da’ay, waxaana dumay guryo badan oo dad degmaayeen, halka kuwa kalana ay buux dhaafiyeen biyaha roobka.

Waddooyin badan oo kuyaalla caasimadda ay ku jiraan kuwii Turkida dhiseen ayaa sidoo kale roobku dumiyay , kuwaa oo qaarkood la go’een gaadiid marayay, laamiga Soobe ayaana kamid ah meelaha roobka xalay burburiyay.

Magaalada Muqdisho, ayaa saakay ku jirta jawi ka duwan tii muddooyinkan looga bartay, mana jirto ilaa hadda wax muuqda ay dowladda Soomaaliya u sameysay shacabka dhibaatooyinka kasoo gaareen roobka xooggan ee xalay ka da’ay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Xasan Shiikh Max’uud & danjire Michael Keating? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo labo dalab hor dhigay danjire Alberto Vecchi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir katirsan XFS oo xaalad lasoo daristay kaddib marki laga watay ilaaladiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---